Filimka Rustom & jimcihii 3-aad lacagaha uu soo xareeyay

tvfanprojSeptember 1, 2016Views 545

Filimka Rustom ee Akshay Kumar, ayaa isbuuciisi ugu horeeyay Box Officeka kaga guuleeystay Mahenjo Daro oo uu garwadeen ka ahaa Hrithik Roshan.

Rustom oo qaab wanaagsan ku bilaawday, ayaa hada jimcihiisi sadexaad soo xareeyay lacag dhan 117.45 Crore.

Rustom-Akshay-Kumar

Inkastoo Rustom uu dhaliilo la kulmay, hadana dadkii daawaday carabkooda waxa uu u badnaa amaan ay ugu qubeeyeen.

Filimka Rustom, ayaa noqonaya Filimkii sadexaad ee sanadkaan usoo baxa Akshay islamarkaasna lacagaha uu soo xareeya kor u dhaafa 100 Crore.

Categories